Mareykanka iyo hoggaamiyayaasha caalamka oo u hambalyeeyay Ruto ka dib go’aankii maxkamadda sare

0
379

Mareykanka ayaa hormuud u ahaa waddamada kale ee caalamka ay u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ka dib markii garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay si wadajir ah u taageereen doorashadii madaxtinimo.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa u hambalyeeyay Dr. Ruto, isagoo sheegay in Mareykanka uu rajeynayo inuu la shaqeeyo dowladda cusub ee Kenya iyo in la sii wado xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee iskaashiga labada dal si ay uga faa’iideystaan muwaadiniinta labada dhinac.
Bayaan uu soo saaray Blinken ayuu sidoo kale ku ammaanay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga sida uu u ixtiraamay xukunka maxkamadda sare.
Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Vicky Ford oo u hambalyeysay madaxweynaha la doortay ayaa sheegtay inay rajeynayso xoojinta iskaashiga istaraatajiyadeed ee Britain iyo Kenya.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in uu wacay Mr. Ruto ka dib go’aanka maxkamadda islamarkaana uu u hambalyeeyay.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki oo u hambalyeeyay Ruto ayaa sidoo kale ammaanay Raila Odinga.
Madaxda kale ee hambalyada diray waxaa ka mid ah xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, wakiilka sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda Josep Borrell, madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye iyo madaxweyne ku xigeenka Ghana Dr. Mahamudu Bawumia.
Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Nigeria Muhammadu Buhari iyo Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa sidoo kale u hambalyeyeen William Ruto.