Maxkamadda sare ee dalka oo maanta go’aan ka soo saareyso doorashadii madaxtinimo

0
471

Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqdo go’aanka kiiskii ka dhanka ahaa natiijadii doorashada madaxweyninimo ee uu u gudbiyay ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa ku dooday in doorashadii madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishii hore la farageliyay.
Garsoorayaasha toddobada ah ee maxkmadda sare ayaa go’aankooda ku saleyn doonaan arrimo dastuuri ah.
Haddii aqlabiyadda garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court ay ayidaan ama taageeraan doorashada madaxweynaha la doortay ee William Ruto, waxaa xilkan loo dhaarin doonaa 13-ka bishan.
Haddii taasi dhicin oo doorashadii xilka madaxtinimo ay maxkamadda sare daaqadda ka tuurto, ayaa waxa uu dastuurka wadanka lagu maamulo dhigaya in doorasho ku celis ah lagu qabto muddo 60 cisho gudaheed.
Sidoo kale haddii musharrixii madaxweyne ee guuleystay uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, waxa uu sharcigu dhigaya in doorasho wareeg labaad ah lagu qabto 30 cisho.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Kenya ay taariikh dhigtay ka dib markii maxkamadda Supreme Court ay noqotay midii ugu horreysay ee qaaradda Afrika oo laashay natiijada doorasho madaxtinnimo.