Waxaa lagu soo warramayaa in dadka ku nool magaalada Marigat ee ismaamulka Baringo ay khasaare baaxad leh la kulmeen, ka dib markii roobab halkaasi ka da’ay xalay ay sababeen fatahaado.
Ganacsiga Marigat ayaa hakad ku yimid iyadoo waddooyinka magaaladaasi ay biyo fadhiyaan.
Daadadka ayaa gaystay khaasare baahsan, iyadoo ay biyuhu galeen dukaamada iyo guryihii la degganaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 20 qoys ay hooyi la’aan noqdeen.
Waxaa sidoo kale adkaatay in hay’adaha gargaarka ay caawimaad u fidiyaan dadkii waxyeellada ka soo gaartay fatahaada, madaama waddoyinkii loo mari lahaa ay biyuhu xireen.