Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa berri la filayaa inay go’aan ka soo saarto dacwadda madaxweynaha ee ka dhanka ah natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo ee lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay William Ruto.
Madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome ayaa xustay meelaha 7-da garsoore ee maxkamadda sare ay eegi doonaan, si ay u soo saaraan go’aan dastuuri ah.
Dhageysiga dacwadda looga soo horjeeday natiijadii xilka madaxtinimo ayaa la soo gabagabeeyay maalinkii jimcaha ee 2-dii bishan.
Haddaba, 9-ka arrimood ay garsoorayaasha maxkamadda sare go’aankooda ku saleyn doonaan ayaa kala ah:
1.Haddii qalabka tignoolajiyada oo ay adeegsatay IEBC uu ahaa mid buuxiyay halbeegyada daacadnimada, xaqiijinta, badqabka iyo daahfurnaanta, si uu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo.
2. Haddii ay jirtay in faragelin lagu sameeyay foomamka doorashada 34A ee laga soo gudbiyay xarumihii codbixinta kaas oo lagu daabacay hannaanka doorashada ee IEBC.
3. Haddii uu farqi u dhexeyay Foomamka 34A ee lagu daabacay hannaanka doorashada ee IEBC iyo midka laga soo gudbiyay xarumihii codbixinta.
4. Haddii dib u dhigistii doorashooyinkii ismaamullada Kakamega iyo Mombasa, sidoo kale codbixintii deegaan baarlamaaneedyada Kitui Rural, Kacheliba ,Rongai iyo Koonfurta Pokot ay ku talagal ahayd si loo yareeyo tirada soo bixitaanka dadkii goobahan ka codeeyay doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishii hore.
5. Haddii ay jirto farqi aan la ogeyn oo u dhexeyay codeyntii loogu codeeyay jagooyinka kale iyo midka madaxweynaha.
6. Haddii IEBC ay fulisay hubinta, tirinta iyo ku dhawaaqista natiijada xilka madaxtinimo si waafaqsan qodobka 138 farqada 3-aad ee dastuurka wadanka lagu maamulo.
7. Haddii madaxweynihii lagu dhawaaqay inuu guuleystay uu helay boqolkiiba 50 iyo hal cod ee codadka la dhiibtay si waafaqsan qodobka 138-aad farqada 4-aad ee dastuurka.
8. Haddii ay jireen wax isdabamarin saamayn ku yeelatay natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha.
9. Amarrada ay maxkamadda bixin doonto iyo go’aanka ay soo saari doonto.