Martha Karua: Isbeheysiga Azimio wuu ixtiraami doona go’aanka ay maxkamadda ka gaari doonto dacwaddii aan gudbinay

0
385

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Martha Karua ayaa sheegtay inay ixtiraami doonaan go’aan walbo oo ka soo baxa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Maxkamadda sare ayaa berri go’aan ka gaari doonto dacwadda ka dhanka ah natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo ee ay gudbiyeen Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua,
Mrs.Karua ayaa xustay in isbeheysiga Azimio uu u hoggaansami doono xukunka maxkamadda sare iyadoo la eegin inuu ka hiilin doono iyo in kale.
“Marka ay maxkamadda go’aan ka soo saarto dacwaddii aan gudbinay, dhammaanteen waan ixtiraamaynaa xukunka ay soo saarto, waxaan rabnaa inaan ilaalino nabadda, si taasi loo gaaro waa in cadaalad la helaa, sababto ah cadaalad haddii aysan jirin nabadda ma waareyso” ayay tiri Martha Karua
Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya ayaa maalinkii Jimcaha ee 2-dii bishan soo gabagabeysay dhageysiga dacwadaha ay gudbiyeen dhinacyada ka hor yimid natiijadii xilka madaxtinimo iyo kuwa is difaacaya.
Waxaa ay maxkamadda dhageysatay dacwadaha ka dhanka ah natiijada xilka madaxtinimo ee la soo gudbiyay iyo sidoo kale jawaabaha ay soo gudbiyeen dhinacyada is difaacayay oo kala ahaa guddiga doorashada ee IEBC uu hoggaamiyo Wafula Chebukati iyo sidoo kale madaxweynaha la doortay William Ruto.
Berri oo ku beegan 5-ta bishan ayaa qorshuhu yahay in maxkamadda go’aan ka gaarto dacwadda.