James Orengo: Waxaa uu Raila dacwadda u gudbiyay si uu u difaaco dastuurka

0
544

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in dacwaddiisa ka dhanka ah natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo ee uu u gudbiyay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay ahayd si uu u difaaco dastuurka wadanka lagu maamulo.
Raila oo uu matalaya qareenkiisa sare ahna guddoomiyaha dhawaan la doortay ee ismaamulka Siaya James Orengo ayaa ku adkeystay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ay ku xadgudbeen dastuurka iyaga oo aan qaban doorasho lagu kalsoonaan karo.
“Qof kasta waxaa ku waajib ah inuu ixtiraamo, ilaaliyo oo uu difaaco dastuurka islaamrkaana aan dacwadda ka dhanka ah natiijada madaxtinimo u gudbinay”,” ayuu yiri Orengo.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddoomiyaha IEBC uu qabtay doorashada isagoo aan u hoggaansamin shuruudaha dastuurka.
Mr. Orengo ayaa sheegay in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ay tahay in lagula xisaabtamo qaladaadka uu sameeyay.
Waxaa uu maxkamadda ku boorriyay in ay xaqiijiso in sharciga la marsiiyo.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa 15-kii bishii hore shaaciyay in William Ruto uu helay codad gaaraya 7,176,141 oo u dhiganta boqolkiiba 50.49.
Waxaa uu ugu yaraan boqolkiiba 25 oo codad ah uu ka helay 39 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee dalka.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa dhankiisa helay codad dhan 6,942,930 oo u dhiganta boqolkiiba 48.85 oo uga soo dhacay 34 ka mid ah ismaamullada.