Qareennada IEBC oo ka jaawabay sababta uu Chebukati ugu degdegay ku dhawaaqista natiijada madaxtinimo

0
528

George Murugu oo ka mid ah qareennada matalaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa ka jawaabay su’aal ka timid garsoorayaasha maxkamadda sare oo ku saabsan sababta guddoomiyaha guddigan Wafula Chebukati uu u go’aansaday in uu natiijado ku dhawaaqo iyadoo jawi buuq ah iyo isqabqabsi ka dhex jiro guddiga dhexdiisa, islamarkaana uu haystay maalin dheeraad oo uu natiijado ku shaaciyo.
Garyaqaan Murugu ayaa ku dooday in Chebukati uu go’aansaday inuu ku dhawaaqo ka dib hanjabaad iyo cadaadis kaga yimid mid ka mid ah dhinacyada tartamayay.
Waxaa uu sheegay in Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga IEBC lagu waday inuu ku dhawaaqo natiijadii hartay ee 27 deegaan doorasho.
Hasa ahaate la dhibaateeyay qaar ka mid ah saraakiisha IEBC ee ku sugnaa xarunta natiijada looga dhawaaqay ee Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadka Kenyaanka ah ay aad ugu hamuun qabeen in lagu dhawaaqo natiijada, islamarkaana Chebukati uu guda galay shaqadii loo igmaday, isagoo ka dhabeeyay ballanqaadkii IEBC ee ahaa in natiijada uu ku dhawaaqi doono ka hor maalinka ugu dambeeya ee uu dastuurka u ogol yahay.