Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya ayaa berri xilliga duhurkii la filayaa inay soo gabagabeyso dhageysiga dacwadaha ay gudbiyeen dhinacyada ka hor yimid natiijadii xilka madaxtinimo iyo kuwa is difaacaya.
Waxaa qorshuhu yahay in maxkamadda sare ay berri dhageysato jawaabaha dhowr su’aalood oo ay hor dhigtay qareennada matalaya guddiga doorashada ee IEBC uu hoggaamiyo Wafula Chebukati iyo sidoo kale madaxweynaha la doortay William Ruto.
Sidoo kale dhinacyada gudbiyay dacwadaha ka dhanka ah natiijada doorashada ee xilka madaxtinimo oo uu ka mid yahay Raila Odinga ayaa looga fadhiya caddeymaha qodobbadii ay soo gudbiyeen.
Maxkamadda ayaa ka dib go’aan soo saari doonto 5-ta bishan oo ku beegan maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.
Haddii aqlabiyadda garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court ay ayidaan ama taageeraan doorashada madaxweynaha la doortay ee William Ruto, waxaa xilkan loo dhaarin doonaa 13-ka bishan.
Haddii taasi dhicin oo doorashadii xilka madaxtinimo ay maxkamadda sare daaqadda ka tuurto, ayaa waxa uu dastuurka wadanka lagu maamulo dhigaya in doorasho ku celis ah lagu qabto muddo 60 cisho gudaheed.
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo berri soo gabagabeeneyso dacwadaha ka dhanka ah natiijada madaxtinimo