Garyaqaan Eric Gumbo oo ka mid ah qareennada matalaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa ku eedeeyay shakhsiyaadka ka hor yimid natiijada xilka madaxtinimo inay soo gudbiyeen caddeymo been abuur ah.
Waxaa uu sheegay in maxkamadda sare qoraallada lagu soo bandhigay ee la xiriira dhaarinta John Mark Githongo ay yihiin kuwo aan waxbo ka jirin.
Mr.Githongo oo ka mid ah shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo ka dib sheegay in wax isdabamarin ay hareeyeen doorashada, si fursad loo siiyo William Ruto, islamarkaana caddeynta markhaatiga uu u gudbiyay maxkamadda.
Waxaa uu ku andacooday in uu caddeymo ka haysto shakhsi daaha ka qaaday macluumaad qarsoodi ah oo sheegaya in natiijada si been abuur ah loogu badiyay madaxweynaha la doortay ee William Ruto.
Garyaqaan Gumbo ayaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku boorriyay in ay kuwa dacwadaha been abuurka soo gudbiyay la xisaabtanto, islamarkaana ay xaqiijiso in ciddii lagu helo caddeymo aan waxbo ka jirin tallaabo laga qaado.
Waxaa uu xusay in qareennada matalaya Raila Odinga iyo shakhsiyaadka kale aysan haynin caddeymo la xiriira in doorashadii guud ee xilka madaxtinimo ay qaladaad ka dhex dhaceen.
Home Wararka Kenya Eric Gumbo: Kuwa ka hor yimid natiijada madaxtinimo waxay soo gudbiyeen caddeymo...