Qareennada IEBC: Dib u dhigistII doorashooyinka 5 goobood saamayn kuma yeelan dadkii codeeyay doorashadii madaxweynaha

0
666

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa ku gacan seyray sheegashada ah in go’aankii dib loogu dhigay doorashada shan goobood ay saameyn ku yeelatay tirada dadkii goobahan ka codeeyay doorashadii xilka madaxtinimo ee 9-kii bishan.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga, ayaa ku andacooday in go’aankii guddiga IEBC uu dib ugu dhigay doorashooyinkan ay sababtay in codbixiyeyaal badan oo ka diiwangashan goobahan aysan u soo bixin inay codeeyaan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ayaa xusay in goobaha codeyntooda dib loo dhigay ay taageerayaal badan ku leeyihiin.
Doorashooyinka kurastooda baaqatay ayaa isugu jira kuwa u tartamayay xilka barasaabnimo ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega.
Waxaa ay sidoo kale arrintan saameysay afar kursi ee deegaan baarlamaneed oo kala ah deegaannada Koonfurta Pokot, Kitui Rural, Rongai iyo Kacheliba.
Hasa ahaate doorashooyinkan ayaa ugu dambeyn qabsoomay 29-kii bishii hore ee Siddeedaad.
IECB ayaa horraan sheegtay in doorashooyinkan dib loo dhigay ka dib markii qalalaad dhanka magacyada iyo sawirrada musharraxiinta ah lagu arkay warqadaha codbixinta.
Dhanka kale Mahat Soomane oo ka mid ah qareennada matalaya guddiga IEBC ayaa u sheegay maxkamadda sare ee Supreme Court in goobihii doorashooyinkooda dib loo dhigay aysan saaameyn ku yeelan doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishii hore goobahan ka dhacday.
Waxaa uu xusay in dadkii u soo baxay goobahan doorashadii xilka madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishii hore ay ka tiro yar yihiin marka la barbardhigo doorashooyinkii guddoomiyaha iyo baarlaamaanka ee 29-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan la qabtay.