Ganacsatada suuqa loo yaqaano suuq Mugdi ee magaalada Garissa oo horay u gubtay ayaa ka faa’ideysan doona dib u habeynta suuqaasi, ka dib markii uu guddomiyaha ismaamulkaasi Nathiif Jaamac uu la kulmay guddiga xarumahaasi ganacsi.
Barasaabka cusub ee ee dowlad deegaaanka Garissa ayaa sheegay in dowladda hoose ee ismaamulkaasi ay dib u habeyn ku sameyn doonto dhammaan waddooyinka soo gala suuqa Mugdi balse hadda xiran.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay rajeynayaan dhisidda waddooyin cusub si ay u fududaato soo gelitaanka iyo ka bixitaanka ee dhammaan suuqaasi.
Kulanka ayaa sidoo kale waxa lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo bilaabo olole wacyigelin ah oo lagu baraarujinayo ganacsatadii ka dhistay goobaha laga rabo inay maraan waddooyinka si ay u banneeyaan islamarkaana ay raadsadaan meelo kale.