Philip Murgor oo ka mid ah qareennada matalaya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa sheegay in guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto ay ahayd mid tignoolajiyad lagu go’aamiyay .
Mr. Murgor ayaa xusay in tignoolajiyadda uu adeegsaday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadank ee IEBC uunan ahayn mid sugan, oo lagu kalsoonaan karo.
Waxaa uu xusay in doorashadii xilka madaxtinimo ee dhawaan dalka ka dhacday ay faragelin ku sameeyeen shakhsiyaad badan oo ka madax bannaan guddiga IEBC.
Qareen Philip Murgor ayaa dhanka kale ku andacooday in saddexda nin ee u dhashay dalka Venezuela ee la xiray labo toddoobad ka hor maalinkii doorashada kuwaas oo ka soo degay gagida caalamiga ee diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi, inay awood u yeesheen faragelinta hannaanka guddiga IEBC si ay wax uga beddelaan natiijada.
Home Wararka Kenya Philip Murgor: Shakhsiyaad ka madax bannaan IEBC ayaa hannaanka doorashada ee IEBC...