Qareennada matalaya Raila oo maxkamadda ka codsaday inay daaqadda ka tuurtay guusha Ruto

0
734

Waxaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ka socota dhageysiga dacwadaha looga soo horjeeda natiijadii xilka madaxtinimo ee lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay William Ruto.
Dacwadaha ay qaban qareennada matalaya Raila Odinga ayay maxkamadda marka hore dhageysatay.
Qareennada matalaya musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiis Martha Karua, ayaa waxaa hoggaaminaya barasaabka dhawaan la doortay ee ismaamulka Siaya James Orengo.
Waxaa sidoo kale qareennada kale ee matalaya Raila ka mid ah, la taliyihiisa sare ee dhanka sharciga Paul Mwangi, Philip Murgor iyo Julie Soweto.
Garyaqaan sare James Orengo ayaa 7-da garsoore ee maxkamadda sare u sheegay in natiijadii uu ku dhawaaqay guddoomyaha guddiga madaxa bannaan doorashooyinka iyo xuduudadha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati aynan sax ahayn.
Waxaa uu xusay in khiyaano iyo wax isdabamarin ay jireen islamarkaana ay ahaayeen kuwo la sii qorsheeyay.
James Orengo ayaa maxkamadda ku boorriyay in ay daaqadda ka tuurto guusha Ruto.
Waxaa uu intaasi ku daray in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto uunan la imaanin boqolkiiba 50 iyo hal cod ee codadka la dhiibtay si waafaqsan dastuurka wadanka.
Waxaa uu Orengo xusay in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu bixiyay warbixinno is khilaafsan oo ku saabsan tirooyinka codbixiyayaasha ee ka qayb qaatay doorashadii 9-kii bishan dhacday.
Mr. Orengo ayaa sheegay in guddiga doorashada ee IEBC ay qaranka la wadaageen in tirada guud ee codadka la dhiibtay ay ahayd 14,466,779 qof oo u dhiganta 65.4 boqolkiiba.
Hasa ahaate foomaamka 34C oo ah kan lagu shaaciyay natiijada madaxtinimo lagu xusay in tirada dadka codadka dhiibtay ay yihiin 14,213,037 qof.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in guddiga doorashada ay lumiyeen kalsoonidii madaama ay labo dhinac u kala jabeen.
Afar ka mid ah 7-da sarkaal ee sare IEBC, oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan ayaa natiijadii uu ku dhawaaqay Wafula Chebukati ku tilmaameen mid isaga u gaar ah.