Ismaamullada oo isbuucan billaabaya bixinta talaalka COVID-19

0
467

Dowlad deegaannada dalka ayaa lagu wadaa in ay toddobaadkan gudihiisa billaabaan qaybinta talaalka lagula tacaalaya cudurka COVID-19.
Guddoomiyaash ismaamullada ayaa kulan yeelanaya maalinka Arbacada si qorshahan loogu heshiiyo.
Hoggaamiyaha golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ahna guddoomiyaha Embu Martin Wambora ayaa sheegay in ay kulan la qaadan doonaan wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe .
Mas’uulkan ayaa xusay in ay jiraan ilaa 11 qof oo la doonayo in shirka looga hadlo balse ay ugu muhiimsan tahay talaalka cudurka.
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha CoG Anyang’ Nyong’o ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka qaar oo sheegaya in talaalka uu wax u dhimaya badqabka dadweynaha.