DHAGEYSO:Fernandes Barasa oo loo doortay xilka barasaabka ismaamulka Kakamega

0
415

Fernandes Barasa oo matalayay xisbiga ODM ayaa ku soo baxay tartanka guddoomiyennimo ee ismaamulka Kakamega ka dib markii uu helay codad gaaraya 192,929.
Musharraxii ugu soo dhawaa ee xisbiga ANC , Cleophas Malala ayaa soo hooyay 159,508 oo codad ah.
Guud ahaan codadka la dhiibtay ee doorashadii xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Kakamega ee shalay ayaa gaarayay 361,546.
Waxaa halaabay codad dhan 2,174.
Doorashada guddoomiyaha ismaamulka Kakamega ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 9-kii bishan, hasa ahaate qalaadad dhanka magacyada iyo sawirrrada musharrixiinta lagu arkay ay sababtay in dib loo dhigo.
Dhanka kale musharraxa xisbiga ANC , Cleophas Malala ayaa aqbalay in loolanka looga adkaaday.

Waxaa dhanka kale musharraxa xisbiga ODM ee kursiga barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa ku horreeya tartanka loogu jira xilka guddoomiyaha dowlad deegaankaasi.
Natiijooyinka laga soo gudbiyay dhammaan 6-da deegaan baarlamaaneed ee ismaamulka Mombasa ayaa muujinaya in Cabdulswamad uu haysto codad dhan 119,083, halka musharraxa xisbiga UDA Xasan Cumar Sarai uu soo hooyay codad gaaraya 98,108.
Waxaa kaliya la sugaya in natiijada si rasmi ah loogu dhawaaqo saacadaha soo socdo ee maanta.