Raymond Moi oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Kenya oo difaacan waayay kursiga deegaanka Rongai

0
482

Natiijada ka soo baxday doorashadii shalay ka dhacday deegaan baarlamaneedka Rongai ee ismaamulka Nakuru ayaa waxaa ku guulaystay Paul Chebor oo matalayay xisbiga UDA.
Paul Chebor ayaa helay codad dhan 27,021 halka Raymond Kipruto Moi oo ka tirsan xisbiga KANU uu soo hooyay 14,725.oo codad ah.
Raymond Kipruto Moi oo kursigan ku fadhiyay 5-tii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa dhalay madaxweynihii labaad ee Kenya Daniel Arap Moi.
Xildhibaanka xilka ka sii degaya Raymond Moi, ayaa shalay intii ay socotay codeynta ku andacooday in musharrixi xisbiga UDA oo ay tartamayeen uu laaluush siinayay codbixiyayaasha.
9-kii bishan ayay ahayd markii walaalkiis Gideon Moi uu asna difaacan waayay kursiga senetarka ismaamulka Baringo.