NSAC: Haa, waa la kulanay Chebukati balse waxaan kawada hadalnay arrimo amni

0
590

Golaha qaran ee ka tala bixiya arrimaha ammaanka ee (NSAC) ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay ee ah inay isku dayeen faragelinta natiijadii xilka madaxtinimo ee uu 15-kii bishan ku dhawaaqay guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati.
Guddoomiyah guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court u gudbiyay dacwad ah in golaha NSAC ay saameyn ku yeesheen natiijadii doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishan Siddeedaad wadanka ka dhacday.
Guddoomiyaha NSAC sidoo kalena ah madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ayaa is fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Waxaa uu xusay kulanka la sheegay inay la yeesheen guddoonka IEBC.
Mr. Kinyua ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid caadi ah islamarkaana lagu la soconayay habsami u socodka doorashada.
Waxaa intaasi ku daray inay walaac ka muujiyeen dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista natiijada doorashada ee xilka madaxtinimo oo qaadatay 7 cisho.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua ayaa carrabka ku dhuftay in golaha NSAC aynan wax door ah ku lahayn arrimaha codeynta marka laga reebo in ay talo ka bixiyaan arrimaha ammaanka ee doorashada.
Waxaa intaasi ku daray in kulankii IEBC ay la qaateen ujeedadiisu ahayd kaliya sidii looga hortago haddii ay saameyn amni ka dhalan lahayd natiijada doorashada.
“Dastuurku wuxuu farayaa in doorashadu ay ka madax bannaanaato rabshado, caga-jugleyn, saameyn aan habboonayn ama musuqmaasuq” ayuu yiri Joseph Kinyua
Waxaa uu xusay in golaha qaran ee ka tala bixiya arrimaha ammaanka ee (NSAC), ay door lama huraan ah ku lahiyiin xaqiijinta amniga iyo hannaanka doorashada.
15-kii bishan ayay ahayd markii guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu shaca ka qaaday in xilka madaxtnimo uu ku guuleystay William Ruto.
Hasa ahaate afar ka mid saraakiisha sare IEBC oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan Juliana Cherera ay natiijadaasi ku tilmaameen mid u gaar ah Chebukati.
Waxaana musharrixi ay Ruto tartameen Raila Odinga uu natiijadaasi qaadacay, islamarkaana dacwad arrinkan uu uga soo horjeedo u gudbiyay maxkamadda uga sarreyso wadanka ee Supreme Court.