Tuju: Waxaan hayaa muuqaallada kameerada CCTV ee labo  sarkaal oo sare oo IEBC ah oo gurigeyga igu yimid

0
531

Agaasimaha fulinta ee xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio Raphael Tuju ayaa sheegay inuu haayo muuqaallada kameerada qarsoon ee CCTV-da, ka dib markii saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ee kalaha Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye iyo Boya Molu ay la kulmeen.
Mr. Tuju ayaa ku andacooday in labada sarkaal ee IEBC ay ku soo booqdeeen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Agaasimaha fulinta ee xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio ayaa doonaya sababta ay Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye iyo Boya Molu ay u tageen gurigiisa.
Hadalkan ayuu shalay sheegay xilli uu warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi.