Isbeheysiga Azimio oo meesha ka saaray qorshe uu ku xaqiijinaya inuu cadaalad ka helo maxkamadda sare

0
459

Isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, ayaa meesha ka saaray qorsho uu doonayay in 7-da maalmood ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court dhageysaneysa dacwadda uu gudbiyay hoggaamiyahooda ay taageerayaashooda si dhow ula socdaan geddisocodka dhageysiga dacwadooda si gudaha maxkamadda sare aysan uga dhicin wax isdaba marin oo ay xaqiijiyaan inay cadaalad helaan maadaama ay tabanayaan.
Xoghayaha dhanka warbaahinta ee ololaha madaxtinimo ee Raila Odinga Dennis Onsarigo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in laga laabtay go’aankan ka dib wadatashiyo la sameeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale la joojiyay go’aan kan la mid ah oo laga sameyn lahaa dhammaan xafiisyada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Taageerayaasha isbeheysiga Azimio ayaa dhanka kale lagula taliyay inay dhageysiga dacwadda loo gudbiyay maxkamadda sare ay iyagoo ku sugan guryahooda kala socdaan warbaahinnada.
Hasa ahaate xoghayaha dhanka warbaahinta ee ololaha madaxtinimo ee Raila Odinga ayaa sheegay in isku soo bixi siyaasadeed ee uu hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga uu maanta ku qaban lahaa deegaanka Kibra ee magaalada Nairobi uunan waxba iska beddelin.