DHAGEYSO:Raila Odinga: Chebukati waa in xabsiga la dhigo

0
452

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay hoggaanka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Waxaa uu sheegay in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu yahay dembiile islamarkaana uu mudan yahay in xabsi la dhigo.
Ra’iisul wasaarihii hore ee daka ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha IEBC aan looga baahneen inuu kormeero doorashooyinka xilka guddoomiyaha ismaamullada Mombasa iyo Kakamega.
Mr. Odinga ayaa ku eedeyay Chebukati inuu carqaladeeyay doorashadii guud ee xilka madaxtinimo ee dalka ka dhacday 9-kii bishan.