2 qof oo loo xiray dilkii Caroline Wanjiku

0
610

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo dheeraad ah kuwaasoo lala xiriirinaya dilkii loo gaystay haweeney lagu magacaabi jiray Caroline Wanjiku Maina.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay tuulada Kebuye ee ismaamulka Kisii .
Saraakiisha howlgalkan sameeyay ayaa isugu jiro kuwa waaxda falal dambiyeedyada,sirdoonka, cilmi baarista ,qaybta adeegga gaarka ah ee deegaanka Dagoretti ee Nairobi iyo dhigooda Kisii.
Ciidamada ayaa tagay tuulada oo ku taalla deegaanka Suneka halkaas oo ay ku sugnaayeen labadan qof ee la soo qabtay ka dib dabagal lagu saleeyay taleefoono ay isticmaalayeen.
Caroline oo ahayd 38 sano jir ayaa magaalada Nairobi laga afduubtay 12-kii bishii hore waxaana meydkeeda lagu tuuray keyn ku taalla ismaamulka Kajiado ka dib markii si arxaan darro ah loo dilay.
Meydka haweeneydan ayaa la helay hal toddobaad ka dib taariikhdii la waayay.
Baaritaan lagu sameeyay meydka Caroline Wanjiku Maina ayaa lagu ogaaday in agab culus madaxa looga dhuftay.
Dambi baarayaasha ayaa tilmaamay in ay suurtagal taahy in loo dilay qandaraas ku kacaya 20 milyan oo shilin awgii oo ay ka heshay mid ka mid ah ismaamullada bariga dalka.