3 qof oo ku nool xaafad ka tirsan Nairobi oo ay saameyn ka soo gaartay walxa qarxa

0
394

Agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo kaashanaya ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dhacdo ay saddex qof dhaawacyo ka soo gaareen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in walxa qarxa aan wali loo aqoonsan ay sababtay dhaawacyada 3-da qof.
Dhacdadan ayaa xalay fiidkii laga soo tabiyay aagga warshadaha Light ee ku taalla xaafadda waqooyiga Kariobangi ee magaalada Nairobi.
Dhibbanayaasha oo rag ahaa ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, islamarkaana ay haatan xaaladooda wanaagsan tahay.
Khubarrada ku takhasusay bambaanooyinka iyo saraakiisha ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ayaa tan iyo markii booqday goobta ay arrintan ka dhacday, iyadoo ay haatan socdaan baaritaannada la xiriira falkan.