Waxaa maanta xilka guddoomiyaha afaraad ee ismaamulka Nairobi loo dhaariyay Johnson Sakaja, tan iyo markii sanadkii 2010-kii la soo saaray dastuurka hadda wadanka lagu maamulo.
Waxaa lagu dhex dhaariyay xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha cusub ee Nairobi ayaa ku dhaartay in uu si daacadnimo ay ku dheehan tahay iyo intii karaankiisa sidoo kalena waafaqsan xeerarka dalka ugu adeegi doono dadweynaha ku nool magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Waxaa uu xilkan hayn doonaan shanta sano ee soo socoto sida ku qeexan xeerarka wadanka.
Sakaja ayaa sheegay in hadda la joogo wakhtigii dadweynaha Nairobi loo adeegi lahaa.
Waxaa uu intaasi ku daray inay wakhtigii siyaasadda ay soo dhammaatay, islamarkaana ay hadda billaabatay shaqada dhabta ah.
Gudddoomiyaha cusub ee Nairobi ayaa xusay in safarkaan uusan noqon doonin mid sahlan, balse waxa uu sheegay in surtagal tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo.
“Maalmihii dadka waratada ah ee la eryanayay oo la dhibaatayn jiray markay isku dayayaan inay nolol maalmeedkooda raadsadaan way soo dhamaatay,” ayuu yiri Sakaja
Waxaa kale oo uu ballanqaaday in uu hubin doonto jawi ganacsi oo caddaalad ah.
Sakaja ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay musharrixi ugu wayn oo ay tartameen Polycarp Igathe, isagoo ku tilmaamay inuu yahay shakhsi niyad wanaagsan.
Waxaa sidoo kale xilka guddoomiye ku xigeenka Nairobi loo dhaariyay Njoroge Muchiri.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kiambu ayaa waxaa maanta loo dhaariyay Kimani Wamatangi oo shanti sano ee ugu dambeysay dowlad deegaankaasi ka soo noqday senetar.
Sida sharciga ah u dhigaya, dhammaan guddoomiyaasha cusub ee la soo doortay ayaa ah in la dhaariyo 10 cisho ka dib markii uu guddiga IEBC ku dhawaaqay in ay ku guulaysteen jagadaasi.
Waxaana maanta xilalkooda loo dhaariyay 45 barasaab oo laga soo doortay 47-da ismaamul ay Kenya kooban tahay.
Ismaamullada Kakamega iyo Mombasa oo doorashooyinkoodii xilka barasaabnimo horraan dib loo dhigay, ayuu qorshuhu yahay in 29-ka bishan ay codeyntooda qabsoonto.