Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa ayaa iska fogeeyay dacwad la xiriirta dil lagu tuhmayo inuu gaystay xilligii doorashada.
Xildhibaanka oo saaka ka soo hormuuqday maxkamadda ismaamulka Kakamega ayaa lagu wadaa in 3-da galabnimo ee maanta ay go’aan ka soo saarto damiin uu dalbaday.
Mr. Barasa oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ku jiray xabsi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu toogtay mid ka mid ah kaaliyaasha musharrax ay iska soo horjeedeen.
Baaritaan lagu sameeyay meydka sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Brian Olunga ayaa muujinaya inuu u dhintay rasaas bastoolad ah oo kaga dhacday dhanka midig ee wajigiisa.
Waxaa marqaatida kiiska ka dhanka ah xildhibaanka ka mid ah saraakiisha waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS iyo howlwadeenada guddiga IEBC oo ku sugnaa goobta codbixinta ee Chebukwabi oo uu ka dhacay dilka lala xiriirinayo.
Siyaasigan ayaa dhawaan difaacday kursigiisi deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma.