Madaxii hore ee cadaaladda dalka David Maraga ayaa ku gacan seyray qoraal la soo dhigay baraha intarneetka kaas oo lagu sheegay in mas’uulkan hore uu u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee William Ruto.
Barta Twitter-ka ayaa qoraal la soo dhigay lagu xusay in David Maraga uu ku dhawaaqay in Ruto uu yahay qofka ku guuleystay tartankii xilkii madaxtinimo ee doorashadii dhacday 9-kii bishan, isagoo sidoo kale ku baaqay in la dhaariyo 30-ka bishan Siddeedaad.
Hasa ahaate madaxii hore ee garsoorka dalka ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay inay arrintaasi ay iska dhega tiraan.
“Twitter waxa wareegaya ee sheegaya in aan aniga qoray waa been, ayuu yiri David Maraga
Waxaa ay tani ku soo aadeysa iyadoo hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga dacwad uu uga soo horjeedo natiijadii xilka madaxtinimo ee u ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC Wafula Chebukati u gudbiyay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
This tweet circulating on social media purporting to be authored by me is FAKE, please ignore. pic.twitter.com/e89Wbpj9bx
— David Maraga (@dkmaraga) August 23, 2022