Senetarka la doortay ee Mandera oo sheegay in ku biiridooda Kenya Kwanza ay tahay inay helaan fursad qaran

0
291

Hoggaamiyaha xisbiga UDM ahna senetarka dhawaan la doortay ee ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa difaacay tallaabadii uu xisbigiisa ugu biiray isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu madaxa ka yahay madaxweynaha la doortay William Ruto.
Xisbiga UDA ayaa horraan heshiis kula jiray isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Mr. Roba ayaa ku tilmaamay tallaabadaasi inay tahay istaraatiijiyad hadafkeedu yahay inay dowladda soo socoto ay la gorgortmaan iyagoo u daneynaya maslaxadda shacabkooda.
Xisbiga UDM ee uu hoggaamiyo senetarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa haysta toddobo xildhibaan, labo senetar, 2 guddomiye iyo 35 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamullada kuwaas oo ku biiray isbeheysiga Kenya Kwanza.
Roba ayaa shaaca ka qaaday in xisbigooda heshiiskii uu la galay Azimio ay ku dhib qabeen ayaga oo isku dayayay inay ka mid ahaadaan isbeheysigaasi.