Nuurdiin Xaaji oo amray taliyaha booliska dalka in baaritaanno lagu sameeyo dilka sarkaalkii IEBC ee bariga Embakasi

0
288

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ku amray inuu soo gudbiyo baaritaannada la xiriira dilka sarkaalkii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC u qaabilsanaa maareynta doorashada deegaanka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi .
Nuurdiin Xaaji ayaa sidoo kale amray abaanduulaha booliska dalka inuu sameeyo baaritaanno dhameystiran ka dibna uu soo gudbiyo natiijada faylalka kiiskan.
Daniel Mbolu Musyoka ayaa maalmo ka hor la waayay xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo sida uu 12-kii bishan xaqiijiyay guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati.
Waxaana 15-kii bishan ay dad xoolo dhaqato ah meydkiisa ku arkeen webi u dhow kaynta Kilombero ee Oloitoktok ee ismaamulka Kajiado.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in meydka lagu tuuray webiga laga keenay meel kale.
Meydka Daniel waxaa aqoonsaday walaalihiisa oo kala ah Mary Mwikali iyo Ann Mboya waxaana la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Loitokitok.
Sarkaalkan oo 53 sano jir ah ayaa la waayay abaare 9:45 subaxnimo ee 11-kii bishan Siddeedaad tan iyo xilligaasina waa la raadinayay ilaa iyo ugu dambeyn meydkiisa la helay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Wafula Chebukati ayaa horay u sheegay in markii ugu war dambeysay Daniel uu ku sugnaa xarunta dhexe ee codadka lagu tirinayay ee dugsiga bariga Afrika ee duulimaadka.