Raila oo la kulmay wafdi ka socdo dalka Mareykanka

0
515

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa wadahadalo toos ah ee la xiriira isbedellada ku saabsan doorashadii guud ee dhawaan dalka ka dhacday la yeeshay ergo ka socoto Congress-ka iyo aqalka wakiillada wadanka Maraykanka.
Raila ayaa mas’uuliyiintan uu sheegay inay ka go’an tahay in uu raaco habab sharci ah oo lagu xallinayo arrimaha ku xeeran natiijada doorashada madaxweynaha ee uu dhawaan shaaciyay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati.
Hasa ahaate uu Raila natiijadaasi qaadacay waxbo kama jiraana ku tilmaay.
Waxaa uuna sheegay inuu dacwad gaynaya maxkamadda.