Maxkamad ku taalla Sacuudiga oo xukun 34 sano oo xabsi ah ku ridday haweeney

0
511

Maxkamad ku taalla boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa haweeney ku xukuntay muddo 34 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah in barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku daabacdo hadallo ay dowladda uga soo horjeedo, sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamadda oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP.
Xukunka lagu riday Salma al-Shehab, ayaa ah inay taageerto mucaaradka doonaya inay qalqal galiyaan nidaamka guud ee boqortooyada, ayaa waxaa ayiday maxkamadda racfaanka ee Sacuudiga 9-kii bishan
Shehab, oo shahaadada sare ee PhD ka diyaarineysa jaamacada Leeds ee boqortooyada Ingiriiska sido kalana ah hooyo laba carrur ah haysato, ayaa dhanka kale laga mamnuucay inay dalka dibaddiisa u safarto mudda 34 sano, waxayna qayb ka tahay xarigeeda.
Waxaa barteeda Twitter-ka ku xiran in 2,600 taagerayaal ah.
Shehab ayaa marar badan soo dhigtay barteeda erayo ay ku tilmaameysa inay xuquuq ugu raadineysa haweenka dalka Sacudiga.