Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kulan albaabada u xiran yahay oo haatan u socdo Raila iyo siyaasiyiinta...

Kulan albaabada u xiran yahay oo haatan u socdo Raila iyo siyaasiyiinta la soo doortay ee Azimio

Waxaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC magaalada Nairobi haatan shir albaabada u xiran yahay uga socdo isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Shirkan ayaa waxaa guddoominaya musharraxa madaxweyne ee isbeheysigan Mr.Odinga.
Waxaa sidoo kale shirkan ka qayb galaya ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Martha Karua iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Raila ayaa kulanka la qaadanaya hoggaamiyaasha ku soo baxay doorashadii guud ee dalka ka dhacday 9-kii bishan, kana tirsan isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya.
Ma cadda kulanka wax looga hadlaya, in kastoo marka uu shirka uu soo dhammaado ay warbaahinta la hadli doonaan madaxa isbeheysiga Azimio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments