Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Golaha hay’adaha aan dowliga ahayn oo baaq u diray madaxweynaha cusub

Golaha hay’adaha aan dowliga ahayn oo baaq u diray madaxweynaha cusub

Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano (NGOs) ayaa madaxweynaha la doortay ee dalka William Ruto ugu baaqay inuu la xiriiro hoggaamiyaha xafiiska banneynaya Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ay ku wada tartameen doorashadii guud.
Guddoomiyaha golahan Stephen Cheboi ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay inay aad muhiim u tahay in saddexda siyaasi ay u midoobaan danta iyo wanaagga qaranka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kenyaanka si gaar ah madaxda looga baahan yahay inay wada shaqeeyaan oo ay isku dul qaataan.
Cheboi ayaa carrabka ku adkeeyay in tartan kasta oo dhaca uu jiraya guulayste iyo qof laga guuleystay.
Guddoomiyaha golaha hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa soo jeediyay in diiradda la saaro amniga dalka iyo xal u helidda dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta kenyaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments