Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha la doortay oo maanta la kulmaya siyaasiyiinta Kenya Kwanza

Madaxweynaha la doortay oo maanta la kulmaya siyaasiyiinta Kenya Kwanza

Madaxweynaha dhawaan la doortay William Ruto ayaa maanta kulan la qaadan doono hoggaamiyaasha ku soo baxay doorashadii guud ee ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa uu sidoo kale shirkan ka qayb galaya ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua .
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaadday xoghayaha guud ee xisbiga UDA Veronica Maina oo bayaan soo saartay.
Waxay intaasi ku dartay in kulankan uu abaare 9-ka subaxnimo ee maanta la qabsoomi doono hooyga William Ruto ee xaafadda Karen oo ka tirsan magaalada Nairobi.
Waxaa taariikh kale kulan loo qaban doonaa dhammaan wakiillada golayaasha ismaamullada ee gobollada kala duwan.
Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa waxaa aqalka sare ku matali doono 24 senetarro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments