Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa diiday waxba kama jiraana ku tilmaamay natiijadii madaxtinnimo ee uu ku soo baxay William Ruto .
Waxaa uu sheegay inay maxkamadda dacwad gaynayaan.
Xilli uu galabta warbaahinta kula hadlay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayuu sheegay in sharciga lagu xadgudbay.
Waxaa uu ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati in uu ku xadgudbay dastuurka iyo shuruucda doorashada islamarkaana go’aankii uu ku sheegay in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay ay waxbo kama jiraan tahay.
“Wixii aan shalay aragnay waxa ay ahaayeen kuwo baalmarsan sharciga Kenya oo uu Wafula Chebukati natiijo isaga u gaar ah ku dhawaaqay maadaama saraakiisha sare IEBC ee ay badankooda natiijada diideen”
“Ma jiro madaxweyne si sharci ah loogu dhawaaqay,” ayuu yiri Mr.Odinga.
Raila Odinga ayaa ku andacooday in Chebukati uu adeegsaday kali talisnimo, in kastoo afar ka mid ah guddiga IEBC ay diideen natiijada.
“Sharciga waa uu cad yahay doorka guddoomiyaha IEBC, sharcigu ma siinayo inuu kaligiis go’aan gaaro” ayuu yiri Mr. Odinga.
“IEBC waa hay’ad dimuqraadi ah oo go’aannada la gaarayo ha ahaado is-afgarad ama cod aqlabiyad ah.”
Mr. Odinga ayaa ku andacoonaya in Chebukati uu u diiday afar ka mid ah guddiyada IEBC inay xaqiijiyaan qaybo ka mid ah natiijada doorashada ee madaxtinimada ka hor inta uunan si rasmi ah ugu dhawaaqin cidii guuleystay.
“Aniga, isbeheysiga Azimio iyo guud ahaan qarankaba, waxaan shalay la yaabnay markii aan ogaaday in Mr. Chebukati keligiis uu go’aansaday inuu shaaca ka qaaday qofka loo malaynayo in uu ku guulaysan doono doorashada madaxtinimada ee 2022-ka, waxaan fahamsanahay in Mr. Chebukati kaligiis uu fursad u helay tirinta codadka madaxweynaha,” ayuu yiri Odinga.
“Wuxuu Chebukati u diiday dhammaan komishanka in ay helaan macluumaadkaasi ilaa uu si lama filaan ah natiijo qaldan qaranka la wadaagay”
Dhanka kale Raila Odinga ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay isdejiyaan, iyadoo kooxdiisu sharciga ay maxkamadda tagi doono si ay u baabi’i yaan ku dhawaaqistii Chebukati.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay afarta gudoomiye ee IEBC ee ka baxay Bomas si ay u beeniyaan natiijada uu ku dhawaaqay Chebukati.
Mr. Odinga ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera, saraakiisha kale ee kala ah Irene Masit, Justus Nyang’anya iyo Francis Wanderi mid geesinimo leh.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa shalay ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ka dib markii uu helay 7,176,141 cod, taasoo ka dhigan 50.49 boqolkiiba codadka la dhiibtay, Raila Odinga ayaa helay 6,942,930 cod taasoo u dhiganta 48.85 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.