Maxkamadda ayaa ciidamada booliska u oggolaatay inay muddo 10 cisho oo dheeraad ah xabsiga ku sii hayaan mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa.
Muddadan ayay saraakiisha ammaanka ku soo gabagabeyn doonaan baaritaannada ka dhanka ah siyaasigan ee ku saabsan dil lagu tuhmayo inuu gaystay xilligii doorashada.
Barasa ayaa saaka ka soo hormuuqday maxkamadda Bungoma oo tixgelisay codsi ka yimid saraakiisha waaxda dacwad oogidda ee gobolkaasi.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Charles Mutai .
Xaakinka ayaa sheegay in mudanaha uu faragelin karo kiiskan sidaas awgeedna ay tahay inuu xabsiga ku sii jiro.