Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa diyaar u ah inay dhageysato dacwad walbo oo ka soo baxdo doorashadii wadanka ka dhacday 9-kii bishan oo shalay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka IEBC shaaca ka qaaday in madaxweynaha Kenya loo doortay William Ruto oo ay wada tartameen Raila Odinga.
Cid kasta oo aan natiijada ku qancin waxay haysan doontaa muddo 7 cisho ah oo ay maxkamadda cabasho ugu gudbinaysa.
Maxkamadda ayaa sameysay qorshayaal faahfaahsan si ay u dhageysato cid walbo natiijada doorashada dood ka qabto.
Qofka cabanaya ayaa haysto muddo 24 saacadood ah oo uu qofka cabashadaasi ka jawaabaya kula wadaagi karo warqadaha kiiska.