Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Odpp oo sheegtay in 59 qof la soo taagay maxkamadda Narok

Odpp oo sheegtay in 59 qof la soo taagay maxkamadda Narok

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa qoraal ku sheegtay in 59 qof la soo taagay maxkamadda Narok iyagoo lagu eedeyay inay dibadbax ka qayb qaateen.
45 ka mid ah dadkan ayaa qirtay dembiga lagu soo oogay waxaana lagu ganaaxay min 2,000 oo shilin halka 14 kale ay iska fogeeyeen dacwadda waxaana lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 5,000 oo shilin.
Maxkamadda ayaa dacwadda shakhsiyaadkan ka dhanka ah soo hadal qaadi doonto 29-ka bishan ka hor inta aan la dhageysan 10-ka bisha Diseembar ee sanadkan.
Ismaamulka Kiambu waxay waaxda ODPP dacwad ku soo oogtay Moses Kaniaru oo ah sarkaalkii maamulayay doorashada goobta codbixinta ee Kinoo Vocational Centre.
Waxaa loo haystaa inuu ku xadgudbay xeerarka doorashooyinka ka dib markii uu diiday inuu shaaciyo natiijada xilka wakiilka dumarka ee dowlad deegaankaasi.
Kaniaru ayay maxkamadda ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan 300,000 iyadoo arrintan mar kale la soo qaadi doono 29-ka bishan Siddeedaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments