Waaxda dacwad oogidda oo codsatay muddo dheeraad oo lagu baarayo Didmus Barasa

0
210

Saraakiisha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maxkamadda ka codsaday in la siiyo waqti dheeraad ah oo ay ku soo gabagabeyn karaan baaritaannada ka dhanka ah xildhibaanka deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa.
Shalay ayay ahayd markii siyaasigan oo loo haysto inuu dil gaystay maxkamadda la soo taagay.
Waxaa marqaatida kiiska ka dhanka ah xildhibaanka ka mid ah saraakiisha waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS iyo howlwadeenada guddiga IEBC oo ku sugnaa goobta codbixinta ee Chebukwabi oo uu ka dhacay dilka lala xiriirinayo.
Dhanka kale waaxda dacwad oogidda dalka ayaa qoraal ku sheegtay in 59 qof la soo taagay maxkamadda Narok iyadoo lagu eedeyay inay dibadbax ka qayb qaateen.
45 ka mid ah dadkan ayaa qirtay dembiga lagu soo oogay waxaana lagu ganaaxay min 2,000 oo shilin.
14 ka mid ah ayaa iska fogeeyay dacwadda waxaana lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 5,000 oo shilin.
Maxkamadda ayaa dacwadda shakhsiyaadkan ka dhan ah soo hadal qaadi doonto 29-ka bishan ka hor inta aan la dhageysan 10-ka bisha Diseembar ee sanadkan.