Qaybo ka mid ah Kenya sida Kisumu oo galinkii dambe ee shalay ilaa xalay ay ka dhaceen dibadbaxyo

0
280

Qaybo ka mid ah dalka sida Kisumu galinkii dambe ee shalay ilaa xalay ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijada madaxtinnimo ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati .
William Ruto ayaa loo doortay hoggaanka ugu sarreeya ee dalka ka dib markii uu helay codad gaaraya 7, 176, 141 halka Raila Odinga oo ku soo xigay dhanka codadka uu soo hooyay 6,942,930.
Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ayaa dhanka kale degganaansho iyo ka shaqeynta xasiloonida guud ku baaqday.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa kenyaanka uga mahadceliyay inay si nabad ah codkooda ku dhiibteen.