William Ruto oo jeediyay khudbad dhinacyo badan ah

0
255

Madaxweynaha cusub ee dalka William Ruto ayaa ka dib markii maanta la guddoonsiiyay shahaadada guusha waxaa uu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.
Waxaa uu sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed oo taariikhi ah.
Waxaa uu u mahadceliyay kenyaanka sida wanaagsan uga qayb qaatay ololihii doorasho iyo codeynta.
Ruto ayaa xusay inuu awoodda Alle awgeed ugu guulaystay tartanka maadaama horay loo saadaaliyay inuusan tartanka hoggaanka ka qayb geli doonin ama uunan talada dalka qaban doonin.
William Ruto ayaa kenyaanka ku ammaanay inay sare u qaadeen habdhaqankoodii .
Waxaa uu ballanqaaday inuu madaxda kala duwan ee la soo doortay iyo mucaaradkaba uu si dhow ula shaqeyn doono.
Ruto ayaa ballanqaaday inuu soo dhisaya maamul dowladeed oo daahfuran oo dimuqraadi ah.
Sidoo kale waxaa uu cadeeyay in kastoo horay isaga iyo xulafadiisaba la dhibaateeyay uunan marnaba aargoosan doonin.
Waxaa uu sheegay inaysan jirin cid doorashada ku guul dareysatay oo ay dhammaan kenyaanka guulaysteen.
William Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu garabka mucaaradka fursad u siin doono inay la xisaabtamaan dowladda.
Waxaa uu tilmaamay in halyeyga doorashada uu yahay guddiga IEBC si gaar ah guddoomiyaha guddigan Wafula Chebukati.
William Ruto waxaa uu sheegay in IEBC ay ka wada yaabisay kenyaanka.
Wafula Chebukati ayuu ku tilmaamay shakhsi af-gaaban balse go’aan leh.
Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay Raila Odinga oo la tartamayay iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.
waxaa uu ballanqaaday inuu dalka gaarsiinaya horumar iyo barwaaqo iyadoo ay midnimo buuxda jirta.