Passaris oo xilkeedii difaacatay

0
316

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Passaris ayaa xilkeedii difaacatay ka dib doorashadii wadanka ka dhacday maalinkii Talaadada ee 9-kii bishan Siddeedaad.
Passaris oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa heshay codad gaaraya 698,929 waxaana ku soo xigtay Millicient Omanga oo matalaysay UDA oo soo hooysay 586,246 oo codad ah.
Ka dib markii shahaadada guusha la guddoonsiiyay ayay Esther Passaris wacad ku martay inay si hagar la’aan ah ugu adeegi doonto shacabka dowlad deegaanka Nairobi.
Sidoo kale waxay kenyaanka uga mahadcelisay degganaanshaha ay muujiyeen xilligi doorashada iyadoo ugu baaqday inay is dejiyaan xita marka lagu dhawaaqo madaxweynaha cusub.
Dhanka kale Millicent Omanga oo xilkan u tartamaysay ayaa aqbashay in laga guulaystay.
Qoraal ay maanta soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayay Omanga ugu mahadcelisay codbixiyeyaasha Nairobi ee taageeray iyo kuwa aan u codeyn labaduba.
Waxay intaasi ku dartay in Passaris oo ay guusha raacday ay u baahan tahay in loo duceeyo oo la garab istaago shanta sano ee soo socoto.
Millicent Omanga ayaa qoraalkeeda ku soo gabagabeysay baaq ay u diraysa kenyaanka oo ah inay nabadda ku dadalaan balse feejignaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here