Sifuna oo noqday senatarka cusub ee Nairobi

0
358

Waxaa xilka senatarnimo ee ismaamulka Nairobi ku guulaystay Edwin Sifuna oo matalayay xisbiga ODM .
Qareenkan oo ah xoghayaha guud ee ODM ayaa helay codad gaaraya 716,651 halka musharraxii ku soo xigay ee matalaysay xisbiga UDA Bishop Margaret Wanjiru ay soo hooysay 524,091 oo codad ah.
Sifuna ayaa ballanqaaday inuu dadweynaha ku nool Nairobi ugu adeegi doono si hufan oo caddaalad ah.
Waxaa uu shakhsiyaadkii la tartamayay ka codsaday inay garab ku siiyaan u adeegidda shacabka caasimadda dalka.