DHAGEYSO:Sakaja oo loo doortay xilka barasaabka ismaamulka Nairobi

0
239

Johnson Sakaja oo matalayay xisbiga UDA ayaa ku soo baxay tartanka guddoomiyennimo ee ismaamulka Nairobi ka dib markii uu helay codad gaaraya 699,392 .
Sarkaalka IEBC u qaabilsan isku duwidda arrimaha doorashooyinka ee ismaamulka Nairobi ayaa xarunta Kasarani sidatan uga dhawaaqay guusha Sakaja.

Musharraxii ugu soo dhawaa ee Jubilee , Polycarp Igathe ayaa soo hooyay 573,516 oo codad ah.
Dhowr ka mid ah shirkadaha sameeya ra’yi uruurinta ayaa horay u saadaaliyay in Sakaja uu ku guulaysan doono xilka barasaabka caasimadda dalka.
Waxaa uu horay u wajahay caqabado ay ka mid tahay in lagu eedeeyay inuunan haysan shahaado jaamacadeed in kastoo dhaliishaasi markii dambe la buriyay.
Polycarp Igathe ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu oggolaaday go’aanka ay shacabka Nairobi xilka barasaabnimo ugu doorteen Johnson Sakaja isagoo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee magaala madaxda wadanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here