DHAGEYSO:Kimani Wamatangi oo noqday barasaabka Kiambu

0
337

Kimani Wamatangi oo matalayay xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa loo doortay barasaabka ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu helay codad gaaraya 348,371 halka Patrick Wainaina Wa Jungle uu soo hooyay 273,361 oo codad ah.
Guddoomiyaha xafiiska banneynaya ee Kiambu James Nyoro ayaa helay codad dhan 99,562 votes halka barasaabkii hore William Kabogo uu helay 106,980 oo codad ah.
Moses Kuria oo horay u qirtay in tartanka barasaabnimo ee Kiambu looga adkaaday ayaa helay codad gaaraya 24,512.
Kimani Wamatangi oo horay u ahaa senatarka Kiambu ayaa ka dib markii uu xilka guddoomiyaha dowlad deegaankaasi ku guulaystay dareenkiisa sidan u muujiyay.