Ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ku dhaliilay inuunan go’aan ka qaadan taariikhda la saadaalin karo ee dib u furka goobaha waxbarashada.
Wasiirka ayaa horay u sheegay in ardayda ay dugsiyada ku laaban doonaan 15-ka bishan oo Isniinta ku beegan.
Hasa ahaate waxaa uu shalay shaaciyay in dugsiyada wadanka ay si ku meel gaar ah u sii xirnaan doonaan ilaa 18-ka bishan oo ku beegan Khamiista nagu soo aaddan.
Magoha ayaa isbeddelkan u aaneeyay dib u dhac ku yimid geeddisocodka tirinta iyo xaqiijinta codadkii laga dhiibtay doorashadii guud ee 9-kii bishan.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET Akelo Misori ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhammaan taariikhyada dib loo furaya dugsiyada wadanka ee isbeddellada lagu sameeyay aan lagala tashan shakhsiyaadka iyo ururrada daneeya arrimaha tacliinta.