Dowladda oo hakisay dhaqaale ay ku kabtay qiimaha booshada

0
376

Dowladda dhexe ayaa si ku meel gaar ah meesha uga saartay qiimo dhimis lagu sameeyay waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida burka iyo booshada.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu isbeddelkan ku dhawaaqay.
Waxaa uu xilligaasi sheegay in qiimaha burka lagu iibinayo uu yahay 100 shilin.
Arrintan ayaa looga-gol lahaa in kenyaanka looga fududeeyo culeyska nololeed ka dib sicir barar saameeyay dalka.
Dowladda ayaa xilligaasi sheegtay inay lacag siinayso shirkadaha shiida galleyda si loo yareeyo qiimaha 2-kii kiilogaraam ee burka oo xilligaasi gaaray 230 shilin.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradad beeraha ee dalka Peter Munya ayaa dhawaan shaaciyay in la hakiyay qorshihii hore ee dowladda.