Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga xil wareejinta madaxweynaha oo shir yeeshay

Guddiga xil wareejinta madaxweynaha oo shir yeeshay

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha dalka Joseph Kinyua ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha guddiga qaabilsan xil wareejinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddigan lagu soo dhisay xeerka 21-aad ee sanadkii 2012.
Guddigan ayaa ku shaqeeya farqada 141-aad ee dastuurka wadanka.
Waajibaadka ugu muhiimsan ee guddigan ayuu Kinyua ku sheegay inuu yahay dardargelinta sida ay xilalka isugu wareejiyaan maamulkii hore iyo maamulka cusub ee ku soo baxa doorashada guud .
Shaqada guddigan ayaa si rasmi ah u billaabanaysa ka dib marka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu ku dhawaaqo natiijada xilka madaxtinnimo sidoo kalena uu shaaciyo musharraxa madaxweyne ee guulaystay.
Sidoo kale xubnaha guddigan ayaa laga doonaya inay fuduudeeyaan geeddisocodka uu madaxweynaha xafiiska banneynaya midka cusub ugu wareejinayo talada dalka.
Waxay sidoo kale qorsheynayaan hannaanka lagu sugayo amniga madaxweynaha cusub, in loo diyaariyo tasiilaadka uu ku shaqeynaya iyo howlwadeennada u adeegi doono.
Waxay sidoo kale madaxweynaha cusub isugu duba ridi doonaan inuu warbixin ka dhageysto madaxda hay’adaha dowladda.
Sidoo kale waxay qaabka isgaarsiinta isugu xirayaan labada hoggaamiye ee is beddelaya.
Waajibaadka guddigan waxaa ka mid ah inuu diyaariyo barnaamijka iyo munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub.
Joseph Kinyua, madaxa waaxda adeegga dadweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay inuu kenyaanka la wadaagi doono wixii faahfaahin oo dib ka soo kordho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments