Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaan baxsad ahaa oo booliska isku soo dhiibay

Xildhibaan baxsad ahaa oo booliska isku soo dhiibay

Waxaa ciidamada booliska isku soo dhiibay mudanaha deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa oo saddex cisho la raadinayay.
Talaadadii ayay ahayd markii lagu eedeyay inuu toogtay mid ka mid ah kaaliyaasha musharrax ay iska soo horjeedeen isagoo dhacdadaasi ka dib billaabay dhuumaaleysi.
Waxaa arrintan xaqiijisay taliyaha booliska ee gobolka galbeedka wadanka Peris Muthoni oo u warrantay idaacadda Capital .
Didmus Barasa ayaa abaare 10:30 ee maanta isu gacan geliyay saraakiisha saldhigga booliska ee Bungoma .
Waxay intaasi ku dartay in marka uu mudanaha farriin qoro ka dib maxkamadda loo gudbin doono.
Hasa ahaate ma aynan caddeyn maxkamadda uu ka soo hormuuqan doono siyaasigan oo dhawaan kursigiisi difaacday.
Tallaabada uu isugu soo dhiibay ciidamada ammaanka ayaa timid saacado kooban ka dib markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay u qabatay muddo 6 saacadood ah oo uu ku tagi karo saldhigga booliska ee ugu dhow.
Shalay ayay ahayd markii DCI ay sheegtay inay howlgelisay ciidamo ka tirsan waaxyo kala duwan si ay eedeysanaha u raadiyaan.
Waaxda waxaa bayaankeeda ku cad in Didmus Barasa loo haysto toogasho uu 9-kii bishan dhanka wajiga uga bartilmaameedsaday Brian Olunga oo ugu dambeyn geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments