Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kormeerayaasha ka socda jaaliyadda Bariga Afrika oo sheegay in doorashada Kenya ay...

Kormeerayaasha ka socda jaaliyadda Bariga Afrika oo sheegay in doorashada Kenya ay tahay mid hufan

Kooxda kormeereysa doorashada Kenya ee Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) ayaa ku tilmaantay codeyntii 9-kii bishan dalka ka dhacday mid lagu kalsoonaan karo, marka laga reebo macluumaadka khaldan ee baraha bulshada lagu baahiyay.
Kormeerayaasha oo uu hoggaaminaya madaxweynihii hore ee dalka Tansaaniya Jakaya Kikwete ayaa maanta sheegay in 52 goobjoogayaal oo dalka oo dhan la geeyay si ay u qiimeeyeen howlaha doorashada iyo natiijada.
“Ololaha waxa lagu fuliyay jawi deggan oo nabdoon, xisbiyada iyo musharrixiinta ayaa fursad u helay inay si xor ah u ololeeyaan, inkastoo ay jireen warar sheegaya caqabado iyo dhacdooyin ay la kulmeen xisbiyada qaar iyo xubnaha qaarkood, haddana kama tarjumayso dhammaan hannaanka doorashada,” ayuu yiri Mr. Kikwete.
Hoggaamiyihii hore ee dalka Tansaaniya ayaa tilmaamay war-xumada, beenta iyo hadallada nacaybka ee baraha bulshada lagu baahiyay in ay yihiin qaar ka mid ah caqabadaha waaweyn ee la diiwaangeliyay muddadii doorashada.
Waaxa uu ammaanay ururrada diinta iyo bulshada rayidka ah iyo sidoo kale warbaahinta sidii ay nabadda ugu dadaaleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments