IEBC oo sheegtay inay codeynta u soo baxeen 14 milyan oo qof

0
570

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa laga soo xigtay in codeyntii shalay dalka ka dhacday ay u soo baxeen dad gaaraya 14 milyan.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 64.6 ee 22,120,448 qof oo sanadkan isku diiwaangeliyay ka qayb galka doorashada.
Chebukati ayaa hoosta ka xarriiqay in tiradan ay tahay mid ku saleysan macluumaadka codbixinta ee guddiga loogu soo gudbiyay qaab elektoroonik ah.
Waxaa uu guddoomiyaha IEBC intaasi ku daray in natiijada kama dambeyska ee xilka madaxtinnimo la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo tirinta codadka .