Labo ka mid ah shaqaalaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska ee Mombasa.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay inay diideen inay tiriyaan codadka laga dhiibtay Bamburi gaar ahaana deegaanka Utange.
Waxay kala yihiin maareeya goobta codbixinta ee dugsiga deeganka Utange iyo ku xigeenkiisa oo lagu kala magacaabo Nicholas Nyamuya, oo 34 sano jir ah iyo Sawia Mutes Kirunda, oo 26 sano jir ah.
Duhurnimadii shalay ayaa la horgeeyay maxkamadda Shanzu waxaana dacwadooda dhagaystay garsoore Yusuf Shikanda.
Eedeysanayaasha ayaa ugu dambeyn lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 500,000 oo shilin.
Dacwadda ay wajahayaan ayay maxkamaddu dhageysan doontaa 25-ka bishan August ee sanadka 2022.